Posts

Qiso Cajiib Ah.

Dhacdo cajiib ah oo cusub Nin Hindi ah ayaa rabay inuu galo Imtixaan dhanka Tareemada ah, waxaa kusoo dhacday fikrad ah in imtixaanka loo maro. Wuxuu soo dirsaday nin u gala imtixaanka, wuxuuna soo siiyay kaar Imtixaanka lagu galayay iyo maqaar uu ka fiiqay suulka gacantiisa bidix (Sawirka hoose eeg), maadaama ninka kale ay hadhoow qasab ku noqon doonto inuu suulka xataa meel saaro, si loo aqoonsado. Ninkii lasoo diray goobta imtixaanka ayuu yimid, qeybtii kaarka la saarayay wuu kasoo gudbay, qeybtii suulka la saarayay oo 2 qeyb ahayd ayuu tii koowaad kasoo gudbay, tii labaad marka uu marayo ayuu suulkii shaqeyn waayay, wuu ku celiyay, way socon waysay, waxaa gacanta looga buufiyay biyaha ama daawada jeermiska disha ee gacmaha la marsado, kedibna maqaarkii suulka ayaa soo dhacay. Ninkii waa la qabtay, kii imtixaanka loo marayay asigana waa lasoo xiray, arrintoodana Maxkamad ayaa loo gudbiyay. Sawirka hoose waa labada nin iyo maqaarkii ay suulka ka fiiqeen. Waa sheeko dheer 😂 bal kawar

Bal Aqri oo Ku Naso.

1. Wiil ayaa Hooyadii ku yiri: ii duceey. waxa ey ku tiri: Allaah ha ku siiyo Guri aan kiro aheyn, Habeenkii aan Tuug kuu soo galeyn, Ilaalo Habeen iyo Maalin kuu ilaaliso Guriga aad degan tahay, Cunta aadan soo iibsan oo aad Cunto, Dhakhtar Lacag la'aan ah. Aamiin ayuu yiri, Ducadii Alla waa u aqbalay. Saaxiibkaa hadda waxa uu ku jiraa Xabsiga dhexe.( F.S:1aad) ( Duco waalid ma xumaato, In Xabsigu Badbaado u ahaa ayaa dhici karto ee Duco Siyaasi Aamiinteeda iska Hubso) 2. Dameer ayaa ku Bakhtiyaya Masjidka hortiisa. Imaamkii Masjidka ayaa la xiriiray Waaxda Caafimaadka ee Degmada, waxa uuna ku yiri: waxaan idinka  Codsanaa in Masjidka hortiisa laga qaado Dameerkaan Bakhtiyay inta uuna dildilaacin oo uuna wax u dhimin Caafimaadka Bulshada. Agaasimihii Caafimaadka oo liidayo, ayaa Imaamka ku yiri: Mayd Culimadaa  ku shaqo leh ee maad Maydka Dhaqdaan oo aad karfantaan. Imaamnkii ayaa yiri: Waa runtaa ee marka hore sow ma ahan in Meydka qaraabadiisa lala xiriiro oo ey ogolaadaan. ( F.

Qiso Cajiib Ah. Aqriso

“ Waxaan Safar shaqo ku tegey Dalka maraykanka,Markaan nastay kadib ,waxaan aaday mid kamid ah Dukaamada lagu iibiyo alaabaha, anigoo sugaya in aan bixiyo lacagta alaabtii aan iibsaday, ayaa Dukaankii waxaa soo gashay gabar muslimad ah oo xijaaban, oo uu ka muuqdo daal oo siddata sanduuq culus, waxay u tagtay gabadhii xisaabiyaha ka ahayd dukaanka. Gabadhii Muslimada ahayd aya tiri: Marwo shalay ayaan mishiinkan kaaga iibsaday $500 isaga iyo dhawr shay oo kale. Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo mashquulsan ayaa tiri: waan gartay ma waxaad doonaysaa in lagaa celiyo? Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa ugu jawaabtay: Maya, waxaan rabaa in aan lacagtiisa bixiyo!.  Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo weli mashquulsan aya tiri: Ma fahmin!! Miyaanad ii sheegin in aad shalay iibsatay? Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa tiri: Marwo weli ima aad fahmin, shalay ayaa kaa iibsaday mishiinkan iyo alaabo kale waxaana ku bixiyay Credit Card-ka, markii aan guriga soo galay oo aan eegay Warqad bixinta (invoice) ayaa waxa